Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay golaha wasiiradda cusub oo uu soo dhisay Raysulwasaare Khayre

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay golaha wasiiradda cusub oo uu soo dhisay Raysulwasaare Khayre. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ansixiyay golaha wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Raysulwasaare Xasan cali Khayre.

241 xildhibaan ayaa fadhiyay kulanka baarlamaanka, 224  ayaa cod gacantaag ah ku ogolaaday halka 15 kale ay kasoo horjeesteen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xikeenka kowaad ee baarlamaanka Ibraahim Shiikh Muuday.

RW Khayre oo si kooban ula hadlay baarlamaanka, ayaa soo dhaweeyay golaha wasiiradda waxaana uu u mahadceshay xubnaha baarlamaanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*