Baarlamaanka Puntland oo xubinimadii ka qaaday guddoomiyihii hore Cabdixakiin Dhoobo-daareed

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaanada golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado u codeeyay mooshin ay xubinimada kaga qaadayaan guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, iyagoo ku eedeeyay ku xad gudub dastuurka dowladda Puntland.

38 xildhibaan ayaa soo gudbiyay mooshinka xubinimada baarlamaanka looga qaadayay guddoomiyihii hore, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka oo ay fadhiyeen 40 xildhibaan ayaa 39 kamid ah ogolaadeen xubin ka qaadista, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed ayaa baarlamaanka Puntland xilka ka qaadeen horaantii bishii November.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*