Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay xeerka howlgabka shaqaalaha dowladda

Xildhibaanada baarlamaanka oo u gacan taagaya xeerka, Dec 4, 2019, Garoowe. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah meelmariyay xeerka howlgabka kasoo xuquuq siinaya shaqaalaha rayidka markii ay noqdaan howlgab.

38 xubnood oo fadhiga joogtay ayaa 34 xildhibaan aqbashay xeerka, 4 ayaa ka aamusay, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Waa markii ugu horeysay oo xeerka howlgabka Puntland la meelmariyo tan iyo sanadkii 1998, oo la dhisay Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ansixiyay xeerka liitirka kasoo ah mid xuquuq dhaqaale iyo faaiidooyin kale siinaya siyaasiyiinta hore sida xubnaha baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*