Baarlamaanka Puntland oo doortay guddoomiye cusub

Guddoomiyaha cusub ee la doortay Cabdixakiim Maxamed Axmed. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah Cabdixakiim Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed u doortay guddoomiye.

Dhoobo-daareed ayaa helay 43 cod halka ninkii la loolamayay uu helay 23 cod intii lagu guda jiray wareegii labaad codeynta oo ka dhacday aqalka baarlamaanka ee kuyaala Garoowe, caasimada Puntland, guddoomiyaha kumeelgaarka ah Xuseen Yaasiin Xaaji ayaa sidaas sheegay.

Dhoobo-daareed ayaa katirsanaa baarlamaanka Puntland tan iyo sanadkii 2009, waxa uu guddoomiye u tartamay labo doorasho oo hore, balse waa uu ku guuldareystay.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka ayaa sameyn doona guddiga doorashada kaasoo agaasimi doona doorashada madaxweynaha, ee la qorsheeyay 8-da Janaayo.

In ka badan 25 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u tartamaya madaxweynaha soo socda ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*