Baarlamaanka Puntland oo diiday wakhti kordhin uu Madaxweynaha u sameeyay masuuliyiinta maxkamada sare

Baarlamaanka
Golaha baarlamaanka dowlada Puntland. Sawirka: Archives.

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka dowlada Puntland ayaa kasoo horjeestay wakhti kordhin uu Madaxweynaha u sameeyay masuuliyiinta maxkamada sare Puntland.

Golaha oo ku guda jira kala-fadhigooda 37-aad ee ka socda caasimada Puntland, Garoowe ayaa maanta cod u qaaday muddo kordhinta Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali u sameeyay masuuliyiinta maxkamada sare, golaha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyada ku diiday muddo kordhinta masuuliyiinta maxkamada sare.

Madaxweynaha ayaa dhawaan muddo afar bilood ah u kordhiyay masuuliyiinta maxakamada sare Puntland oo dhawaan wakhtigoodii dhamaaday.

Sida uu dastuurka dowlada Puntland qeexayo, Madaxweynaha ayaa awood u leh inuu markale tigreedo ku celiyo golaha baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan, isaga oo ku lifaaqaya sababaha keenay inuu markale baarlamaanka dib ugu cesho digreetada muddo kordhinta.

Masuuliyiinta maxkamada sare Puntland ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah, guddoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo saddex garsoore.

Ugu dambayna Madaxweynaha ayaa awood u leh soo magacaabida masuuliyiinta maxkamada sare dowlada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*