Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 2020

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay miisaaniyada 2020, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

44 xildhibaan oo fadhiday kulanka maanta ayaa dhammaantood ogolaaday, guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidaas sheegay.

Miisaaniyada 2020 ayaa lagu qiyaasay $346 milyan, taasoo muujinaysa koror balaaran marka loo barbardhigo tii sanadkii 2019 oo ahayd $72 milyan.

Sida uu sheegay wasiirka maaliyada Xasan Shire Abgaal, sanadkan miisaaniyada ayaa lagu daray mashaariicda laga filayo haayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale aan dowliga ahayn ee caalamiga ah taasoo kordhisay odoroska miisaaniyada 2020.

Ku dhawaad 60% miisaaniyada Puntland ayaa ku baxda ammaanka iyadoo ay dagaal kula jirto maleeshiyada Al-Shabaab, ee ku xiran ururweynaha Al-Qaacida, iyo sidoo kale koox yar oo sheegtay in ay daacad u yihiin ISIS.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*