Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif

 Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif [Sawirka: Archive]
Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif [Sawirka: Archive]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan, isaga oo lagu eedeeyay waxqabad xumo, sida uu sheegay xildhibaan.

Cusmaan Maxamed Caato, oo kamid ah xildhibaanada taageersan mooshinka lagu eedeeyay madaxweynaha ayaa saxaafada u sheegay in ay dhawaan keeni doonaan mooshinka.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa u sharaxan madaxweynaha Soomaaliya, balse doorashada Maxamed Cusmaan Jawaari loogu doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, oo ah xubin kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, ayaa ka dhigaysa in saaxiibkiis oo ay isku qabiilyihiin ahna Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ay ku khasbayso in uu ka haro tartanka doorashada madaxtinimada, marka loo eego awood qeybsiga Soomaalida oo ku salaysan qaab qabiil.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*