Baarlamaanka dowladda Puntland oo meelmariyay miisaaniyada 2019

Baarlamaanka dowladda Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah meelmariyay miisaaniyada 2019, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

38 xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta miisaaniyada, mid ayaa diiday, hal ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed.

Baarlamaanka ayaa tan iyo asbuucii lasoo dhaafay ka doodayay miisaaniyada.

Miisaaniyada ayaa lagu qiyaasay $54 milyan taasoo lagu shaqeyn doono sagaalka bilood ee soo socoda, sida uu sheegay wasiirka maaliyada Xasan Shire Abgaal.

Sabtidii isaga oo baarlamaanka ka hor hadlayay wasiirka maaliyada ayaa sheegay in miisaaniyada 2019 ay ka yar tahay tii sanadkii 2018 sababtoo ah xukuumada Siciid Cabdullaahi Deni oo joojisay lacagtii la daabici jiray.

Puntland ayaa sheegta in 60% ay miisaaniyad sanadeedkeeda u isticmaasho ammaanka iyada oo dagaal kula jirta kooxo argagixiso ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*