Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2019

Baarlamaanka DFS oo u gacantaagaya ansixinta miisaaniyada 2019. [Isha Sawirka: MOF]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ansixiyay miisaaniyadda 2019-ka.

Kadib labo maalmood oo ka doodis ah 174 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay miisaaniyada.

Miisaaniyada la ansixiyay ayaa dhan $344,192,685 milyan waxaa jirar koror miisaaniyadeed ayaa jira marka loo barbardhigo miisaaniyada sanadka dhammaanaya ee 2018 oo ahayd $274.6 Milyan.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa uga mahadceshay baarlamaanka ansixintooda.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay miisaaniyada sanadka 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*