Baarlamaanka dowlada Puntland oo u codeeyay 11-ka xubnood ee aqalka sare

img_6289
Baarlamaanka dowlada Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowlada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah u codeeyay xubnaha Puntland u matali doona aqalka sare ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Murashaxiinta oo ku dhawaa ilaa iyo dhowr labaatan ayaa waxaa soo baxay 11-ka xubnood, kadib doorasho qaadatay saacado badan.

11-ka xubnood ee ku guulaystay cod bixinta baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku jira saddex haween ah.

Magacyada xubnaha aqalka saree e guulaystay:

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake

  2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

  3. Cabdirisaaq Xasan Cusmaan (Jurile)

  4. Farxaan Cali Xuseen

  5. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

  6. Mahad Daahir Shiikh Nuur

  7. Hodan Maxamuud Cusmaan

  8. Bootaan Bare Samatar

  9. Maxamuud Axmed Maxamuud

  10. Siciido Xasan Cusmaan

  11. Shukri Aadan Maxamed Camay

Waxaa xusid mudan in masuuliyiin ruugcadaa ah oo ay kamidyihiin Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir, kuwaasoo la filayay in ay soo baxayaan in ay ku guuldaraysteen codka baarlamaanka musuq-maasuqa hareeyay ee Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*