Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo kulan ku yeelan doona Muqdisho

Xubnaha cusub labada aqal ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
Xubnaha cusub labada aqal ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xubnaha cusub labada aqal ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa maanta oo Sabti ah in ay ku kulmaan Muqdisho.

Inta uu kulanku socdo, xildhibaanada ayaa sameyn doonaa guddiga doorashada afhayeenada cusub ee labada aqal, sida uu sheegay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqore.

Asbuucii lasoo dhaafay, tiro dhan 251 xildhibaan oo aqal hoose ah iyo 43 aqalka sare ah ayaa lagu dhaarshay akadeemiyada booliiska ee Janaaral Kaahiye ee caasimada Muqdisho.

Kadib doorashada labada afhayeen, xubnaha labada aqal ayaa dooran doona madaxweyne cusub 28-da bisha Janaayo, 2017-ka, sida qorshuhu yahay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*