Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya oo doortay guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka

Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah doortay guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

15 xubnood oo baarlamaanka katirsan ayaa loo doortay guddiga qabanqaabada guddoomiyaha baarlamaanka oo la filayo maalmaha soo socda in ay Muqdisho ka dhacdo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cumaan Jawaari iyo wasiir dowlaha arrimaha gudaha dowladda federaalka Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa u sharaxan booska guddoomiyaha baarlamaanka ilaa iyo hadda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*