Baaralamaanka Puntland oo ansixiyay heshiiska DP World

Baaralamaanka Puntland oo ansixiyay heshiiska DP World. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baaralamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay heshiiska DP World, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

46 xildhibaan ayaa u codeeyay heshiiska, ma aysan jirin cid diiday, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Bishii April ee sanadkan Puntland ayaa heshiis la saxiixatay DP World si ay u balaariso una maamusho dekada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*