Horudhac

Shaqo la’aantu waa cudur ku dhaca dhaqaalaha waddanka, dhammaan dhaqaaleyahannadu waxay isku raaceen inuu yahay cudur dilaa ah oo dhaqaalaha dabarjari kara haddaan lagu xallin si degdeg ah, waxaan caad saarnayn heerka shaqo la’aanta waddankeenna kajirta inay tahay mid kamid ah kuwa ugu xun ee adduunka kajira.

Shaqo la’aantu (Unemployment; البطالة) waa ammin uu qofku waayo fursad shaqo isaga oo shaqayn kara isla markaana hayaan ugu jira helidda fursad shaqo.  Qeexiddaasi waxay caddaynaysaa in qofkasta oo aan shaqo haynin inuusan shaqo la’aan ahayn.

Ereyga baagamuuddo kuma jirin dhaqankii hore ee Soomaaliyeed maaddaama xilliyadii hore aynaanba aqoon micnaha shaqa la’aanta oo nin walba noloshiisa baadiyaha ayaa u ahayd shaqo, malahayga in qof loo shaqeeyo ceeb ayayba ahayd. Laakiin eraygaan shaqo la’aan wuxuu la dhasahy soo if-bixii kacdoonkii warshadaha, haddana shaqo la’aantu waxay noqotay dhibaato caalami ah oo dunida oo dhan si isku mid ah looga diraaseeyo, maaddaama loo arko in shaqa la’aantu ay curyaamin iyo baabi’in isugu darto dhaqaalaha iyo horumarka waddanka.

Aragtida Islaamku Ka Qabo Shaqo La’aanta.

Diinteenna islaamku waxay kasoo horjeeddaa shaqo la’aanta waxayna aad u dhiirigalisay in qofku uu shaqaysto waxaana taas daliil u ah aayadda soo socota iyadoo la isku amray in dhulka loo foof tago salaadda kadib iyadoo la raadsanayo shaqo

قال تعالى: {فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانْتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا مِنْ فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ} [الجمعة: 10].

Rususha iyo anbiyada Alle waxay ahaayeen kuwo shaqaysta waxaana tusaale kuugu filan in nabi Nuux cs uu ahaa farayaamiiste, nabi idriis cs asna uu ahaa harqaanle sidoo kale nabigeenna Muxammad NNKH wuxuu soo noqday ari jire intaan lasoo saarin ka hor. Dhammaan tusaalayaashaani waxay na tusinayaan sida diinta islaamku u dhiirigalisay inuu qofku shaqaysto.

Sidoo kale nabigeenna suubban NNKH waxuu mar walba ku adkayn jiray asxaabtiisa in ay xoogooda isticmaalan sida xaddiiska ku cad, cunto waxa ugu fiican tan aad gacantaada iyo dhididkaaga ku hesho. Sidoo kale waxa uu diiday gacan hoorsiga amrayna in la shaqeeyo shaqadu haba yaraatee.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “ما أكل أحد طعاماً قط خيراً من أن يأكل من عمل يده ، وإن نبي الله داود كان يأكل من عمل يده“

 Heerka Shaqo La’aanta Soomaaliya.

Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin.

Markaan fiirinno warbixintaas waxaad dareemi kartaa heerka shaqo la’aan ee kajirta dalkeenna oo runtii niyad jab iyo wel-wel ku ridday dhallinteennii, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado dhibaatadan waxa sababay iyo sida loo xallin karo.

Sababaha Shaqo La’aanta

Qofku markuu kufo waxaa habboon inuu kaco, kufitaankuna ma ahan nolosha gabagabadeedii, haddaba, si aan u garranno daawada dhibaatada ina haysata waa inaan diraasayno sababaha keenay dhibaatada.

Sababaha shaqo la’aanta keenay waxaa kamid ah:

  1. Hal abuur la’aan

Shaqo la’aanta maanta dhallinyaradeenna haysata waxaa sababay hal abuur la’aan maaddaama dhallinyaradu markay jaamacadaha kasoo baxaan ay ku fakarayaan inay helaan shaqo NGO  ama hay’adeed ama mid dowladeed, taasi waxay meesha ka saartay in dhallinyaradu ka fakarto inay la yimaadaan hal-abuur shaqo oo ay iyagu shaqo abuurtaan. Shaqooyinka ka bannaan xafiisyadaasi ma qaadaan tirada ardayda hal jaamacad dhammaysay, taa iska daayee xitaa ma qaadaan tirada ardayda hal kulliyad dhammaysay, waxaana aan suurtogal noqon doonin marna in dhallintoo dhan ay kawada shaqeeyaan xafiisyo haddii aan la helin hal abuur shaqo.

  1. Fursadaha shaqada iyo shaqa doonka oo aan isu dheelli tirnayn

Fursadaha shaqada ka jira waddanka aad bay u yaryihiin marka loo barbardhigo tirada dadka shaqada raadinaya oo ku sugan dalka. Isu dheelli tirnaan la’aantaasi waxay sababaysaa inuu suququr galo fursadihii shaqada, taasna waxay keenaysaa in dad badan fursado waayaan, sidoo kale na shirkadihii waxay ku dhiirigalinaysaa inay mushaaraad yar dadka ku shaqaalaysiistaan maaddaama qofku uu diyaar u yahay waxkasta oo uu kaga cararayo cadowga baagamuuddada.

  1. Xirfad xumo.

Dhallinyaradeenna waxaa haysata xirfad xumo taas ayaana sabab u ah shaqo la’aantan baahsan, dunidaan manta aan joogno kuguma filna inaad shahaado jaamacadeed kaliya heshaa laakiin waxaa muhiim ah inaad leedahay xirfado badan oo aad ku kaabayso aqoontaada, tusaale haddii aad ka qalinjabisay kulliyada “accounting” oo aadan lahayn xirfad kale marna ma heli doontid shaqo maxaa yeelay majirto meel maanta looga shaqeeyo “manual accounting” (accounting-ka gacanta lagaga shaqeeyo), laakiin waxaad u baahantahay ugu yaraan inaad taqaano Quickbook, si lamid ah dhammaan maaddooyiinka kale xirfad baad u baahantahay uma baahnid aqoon kaliya.

  1. Shaqaaleysiinta shisheeye.

Sababta kale oo loo aanayn karo shaqo la’aanta kajirta dalkeenna waa shaqaalaysiinta shisheeyaha, shaqooyin badan oo ay dhallinteennu qaban karaan ayaa waxaa haya shisheeye taasna waxay dhaawac ku tahay dhallinyaradeenna.

  1. Isla waynida shaqo ee dhalinyarada.

Waxaa wax laga xumaado ah in dhallinyaradu ay maanta ka faanaan shaqooyinka qeybtood iyaga oo waliba shaqo la’aan ah. Haddii ninkasta oo dhallinyaro ah uu dhaho xafiis baan fadhiisan haddee ogow xafiiska ugu badan 10 qof ma qaado, haddaan dhamaanteen xafiis tagnana yaa qabanaya shaqooyinkii kale?!! Tusaale waxaa kugu filan waxaan ka faannay dhismihii, kabalyeerigii, doobbigii, huteeladii iyo kuwa la mid ah, dhammaantoodna ajnabi ayaa ka shaqeeya maanta taasina waa dhaawac ay dhallintu naftooda gaarsiiyeen oo ay ku burburiyeen fursadahoodii shaqo.

  1. Kororka aqoonta iyo aqoonyahanada

Heerkii aqoonta bulshada iyo tirada aqoonyahanaduba way kordheen sanadahan danbe taas na waxay sii badisay tartankii loogu jiray fursadaha yar-yar ee shaqooyinka. Kororka ku yimaaday ardayda qalinjabinaysaana wuxuu sii badiyay shaqo la’aantii maaddaama aysan jirin dowlad jihaynaysa dadka soo qalinjabinaya.

  1. Kororka kasoo guuritaanka baaddiyaha

Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ka dab qaataa baaddiyaha si lamid ah dhaqaalaha Soomaaliduna wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha, laakiin waqtiyadaan danbe waxaa muuqata ifafaale ah in dadku ay magaalooyinka kusoo xaroonayaan, taasna waxay keenaysaa in guud ahaan dhaqaalihii hoos u dhaco iyo in heerka baagamuudadu uu sii kordho, maaddaama aysan ka jirin wax shaqo abuur ah magaalooyinkii.

  1. Musuqmaasuqa shaqaalaysiinta

Habka shaqaalaysiinta waddanka oo ah mid ay hareeyeen musuqmaasuqyo faro badan ayaa qeyb ka qaata korodhka shaqo la’aanta. Ma cadda inta badan habka ay shirkaduhu u maraan shaqaalaysiintooda oo shaqo doonuhu wuxuu ka qabaa shaki badan, iyadoo ayba waddanka ka jiraan shirkado caddaystay musuqa habka shaqaalaysiintooda oo aan shaqaalaysiin nooc kamid ah bulshada. Taasna waxaa kasii daran dowladdii la rabay inay howshaas wax ka qabato iyada ayaaba ah meeshii hooyada u ahayd musuqmaasuqa.

  1. Amni Xumo

Amni xumada waddankeenna ka jirtaa waa mid diidaysa in shirkado badan oo caalami ah ay waddankaan maalgashtaan, sidoo kale waxay diidaysaa inay waddanka yimaadaan khuburo badan oo dhallinyaradeennu ka baran lahaayeen xirfado muhiim u ah shaqooyinka.

  1. Damiir la’aanta maalqabeenka

Maalqabeenada soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku kala nooli waxay awoodaan inaan malaayiin fursado shaqo ah waddankaan ka abuuraan, laakiin masuuliyad iskama saarin middaas, taasna waxay niyad jabisay dhallinta. Iyadoo tiirarka dhaqaalaha islaamku ku dhisanyahay ay kamid tahay xaq dhowrka masaakiinta oo diin ahaan ah wax sharci ah ayaysan maalqabeenka Soomaaliyeed la imaan hab shaqo abuur loogu sameeyo da’yartaan dayacan.

  1. Dowlad xumo

Dowlad xumada ina haysta waa midda qaybta ugu badan ka qaadata shaqo la’aanta. Qorshe shaqeedka dowladda ayay kamid tahay inay shaqooyin u abuuraan da’yarta hadda soo qalinjabinaysa. Taas iska daayee dowladaha Soomaaliya hadda kajira mid dhexe iyo mid gobolba way ku fashilmeen inay la yimaadaan siyaasado shaqo abuur, iyagoo xitaa ku fashilmay inay bixiyaan mushaaraadka dadka u shaqeeya iskadaa shaqaale cusub e.

  1. Dhaqaale Xumo

Dhaqaale xumada haysata waddankeennu waa mid diidaysa in dhaqaaluhu wax fursad shaqo ah abuuro. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa goboladuna waxay u awoodi la’ yihiin shaqo abuur iyo mushaarbixintoonna waxaa qeyb weyn ka ah dhaqaale xumada walow musuquna uu qeybtiisa qaadanayo.

Saamaynta Shaqo La’aanta

  1. Shaqo la’aantu waxay saamayn taban ku leedahay horumarka dhaqaale ee dalka, haddii heerka shaqo la’aantu uu aad u sarreeyo marna ma suurtogalayso inaan helno dhaqaale caafimaad qaba. Sidaa darteed baagamuuddadu waxay curyaamisay horukaca dhaqaalaha dalka.
  2. Maaddaama shaqo la’aanta ugu badan ee maanta dalka kajirta ay haysato dhallinyarada taas waxay sababaysaa inay dhallinyaradii niyad jabaan oo ay ka lunto kalsoonidii.
  3. Shaqo la’aantu saamaynta xun oo kale oo ay leedahay waxa waaye heerka faqriga bulshada oo aad u siyaada, maaddaama aysan dadku shaqaynayn waxaa imaanaysa in baahidu badato oo lagu dul noolaado qof shaqeeya ilaa heerka faqrigu uu gaaro nooca faqri ee ugu xun “Absolute poverty” faqri sugan.
  4. Haddii shaqo la’aantu badato sidoo kale waxaa hoos u dhacaya kaydka (saving) ka bulshada oo waxaa la waayayaa qof wax kaydsada, taasna waxay curyaamin ku tahay guud ahaan horumarka dhaqaalaha.
  5. Sidoo kale shaqo la’aantu waxay keenaysaa hoos u dhaca heerka nolosha (standard of living) ee bulshada.
  6. Shaqo la’aantu waxay kaloo keenaysaa in dhallintii ee ay waddanka ka niyad jabaan oo ay ka tahriibaan, saamayntaani waa mid aan toos u aragno oo sanad kasta waxaa dalka kasii baxaya kumannaan dhallinyaro ah oo waxbaratay taasna waxay sii xumaynaysaa in dhaqaalaheennu dib u soo kabto, maaddaama xooggii shaqaalaha (Labor force) uu waddanka bannaanka uga baxayo.
  7. Shaqo la’aantu waxay kaloo ka qeyb qaadataa amni darrada dalka maaddaama dadku aysan haysan waxay cunaan iyo waxay ku noolaadaan, waxay isku dayayaan inay adeegsadaan sifo kasta oo ay waxku heli karaan ha ahaato dhac, boob ama tuugnimo. Dhammaan falalkaasina waxay dibindaabyo ku yihiin amniga dalka. Shakina kuma jiro in haddii amnigu xumaado ay waxkasta oo kale xumaanayaa.
  8. Sidoo kale baagamuuddadu waxay sababtaa in bulshadu ay kala sara marto oo ay kala noqdaan dabaqado kala duwan, taasna waxay mustaqbalka keenaysaa cadaawad iyo dagaal dhexmara hantiilayaasha iyo baahanayaasha.
  9. Ugu danbayn waxaan is leeyahay shaqo la’aantu waxa kale oo ay sababtaa caafimaad darro ay ugu horrayso waallidu. Markasta oo uu qofku shaqo la’aan ahaado oo ay baahi qabato waxaa qasab ah inuu fakaro oo wareero oo uu garan waayo meel uu wax ka raadsho taas oo ugu danbayn dhasha waalli iyo xanuuno kale oo fara badan.

Xalka Shaqo La’aanta

Aragtidayda Cabdullaahi ahaan waxaan is leeyahay haddii la fuliyo dhowrkaan qodob shaqo la’aanta waa la yarayn karaa:

  1. Dhiirri galinta hal abuurka:

Dhibaatada shaqo la’aanta waxaa lagu yarayn karaa in da’ yarta soo qallinjabinaysa lagu dhiirrigaliyo inay la yimaadaan fikrado ganacsi oo ay iyagu leyihiin halkii ay shaqo ka sugi lahaayeen cidkale shaqadaan dhiirigallinta halabuurka maanta waxaa aad uga qeybqaadan kara bangiyada wadanka kajira.

  1. Kor u qaadka waxsoosaarka

Sidoo kale waxaa dhibaatadan lagu xallin karaa inay dowladuhu iyo bangiyadu dhiirigaliyaan waxsoosaarka dalka, in la gacan qabto ganacsatada yar yar iyo in la abuuro warshado yar yar oo ka shaqeeya waaxyaha dhaqaalaha (Economic sectors) ee uu waddanku hodanka ku yahay sida warshadaha kalluunka, beeraha iwm.

  1. Maalgashi iyo fursad abuur.

Dhibaatadan waxaa kale oo lagu yaran karaa in waddanka laga hirgaliyo maalgashi ha ahaado maalgashi ay sameeyaan hantiilayaasha waddanka u dhashay ama ha ahaado maalgashi shisheeye. Maalgashigaasi wuxuu hirgalinayaa helitaanka fursado shaqo oo ku filan shaqo doonayaasha halkaas ayayna ku yaraanaysaa shaqo la’aantu. Sidoo kale waxaa la rabaa bangiyadu inay qeyb ka qaataan fursad abuuridaan, waxaa kaloo qeyb muhiim ah hada qaadanaysa bahda fikirka fursad fund oo ah waddo kale oo shaqo la’aanta yarayn karta

  1. Dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha

Waxaa muhiim ah in dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha ka howlgala laamaha dowladaha oo la baddalo shaqaalaha howlgabka ah si ay fursad u helaan da’yarta soo qallinjabinaysa. Waxyaabaha yaabka leh ee kajira waddankeenna waxaa kamid ah inay jiraan xilal la iska dhaxlo oo haddii qofkii hayay xitaa dhinto reerkii ay qofkale keensadaan iyadoo dadkii booskaas qaban lahaa ay dhoobanyihiin fadhi kudirirka oo halkaas busaarad ku dishay.

  1. Yaraynta shaqaalaha shisheeye

Anoo og inaan maanta ku noolnahay adduun casri ah oo qofku meeshuu doono ka shaqaysan karo, haddana waxaa muhiim ah in dalkeenna aan ka yarayno shaqaalaha shisheeye ee qabanaya shaqooyin ay yaqaanaan muwaaddiniinta waddanka u dhashay. Waxaana habboon in xeer laga soo saaro arrintaas, yaraynta shaqaalaha shisheeye waxay dheef u tahay shaqo helitaanka dhallinteenna.

  1. La daggaalanka musuqmaasuqa.

Anoo tixraacaya cilmi baadhis ay samaysay jaamacaddaydu (PSU-GAROWE) waxaa kajira musuqmaasuq faro badan dowlad goboleedka Puntland waxaana hubaal in maamulada kale ee Soomaalidu aysan dhaamin Puntland ee laga simanyahay musuqmaasuqa. Haddaba Dabarjaridda musuqmaasuqa iyo la dagaallankiisu waxay muhiim u tahay inaan ciribtirno baagamuuddada. Hirgalinta hab shaqaalaysiin habboon waxay dhiirigalin u tahay shaqo doonayaasha waxayna niyadda ku dhisanayaan inay shaqo heli doonaan halka musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo eexdu ay cadow u yihiin hanka iyo himilada aadanaha shaqo doonaha ah.

  1. Dhisidda xirfadaha dhallinta iyo kor u qaadidda dugsiyada farsamada.

Shaqo la’aanta faraha badan ee dalka kajirta waxaa sababaheeda kamid ah saan kusoo sheegay xirfad xumo. Haddaba, si aan dhibkaas u xallino waxaa lama huraan inaan kor u qaadno goobaha lagu barto farsamada si loo helo dhallinyaro aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan oo aan dhaliil lahayn.

  1. Hirgalinta layliyo khibrad helid ah (Internship Programs)

Dhibaatooyinka kale ee waaydan danbe soo baxay waxaa ugu weyn in markii shaqada lasoo dhajiyo lagu xiro ardaygii hadda soo qallin fulay waayo aragnimo 5sano ah taasna waxay nabar ku noqotay da’yarta. Haddaba si loo yareeyo dhibaatadan waa in dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo ganacsataduba ay xoogga saaraan sidii loo siin lahaa da’yarta fursado ay ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso ah (Voluntary) taasoo dhallintu ay ka heli doonaan waayo aragnimo ay ku darsadaan CV-ga oo ka caawisa helitaanka fursado shaqo oo sugan iyo inuu fahmo goobaha shaqada sida looga shaqeeyo.

Gubaabo Iyo Gabagabo

Ugu danbayntii waxaan talo kusoo jeedinayaa in qofka dhallinyarada ah baahida uu u qabo hellitaanka fursad shaqo ay noqoto mid subaxkasta hurdada ka kicisa, aqoontiisa iyo xirafadiisuna waa inay noqotaa shidaalka gaarsiinaya inuu helo fursad shaqo oo u qalanta.

Waxaad tahay aqoonyahan waxbartay, ha niyad jabin oo ha is dhihin dhowr jeer ayaad shaqo waydee fariiso. Fadlan ha fariisan kac oo orod oo ha nasan ilaa aad ka helayso shaqadii kuu qalantay majirto shaqo kuu imaanaysa adoo sariirtaada jiifa oo sugaya canjeelada hooyadaa, haba yaraatee raadi shaqo aad qabato intaad hurdi lahayd.

Yeelo rejo ah inaad fursad shaqo heli doontid marmar sawiro adoo helay shaqo fiican taasi waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad dulqaad u yeelato waqtiga aad kujirto shaqo la’aanta, waxaadna ka qaadaysaa dhiirranaan ah inaadan quusan.

Adiga qoraalkan aqrinaya waxaa muhiim ah inaad ogaato in maanta shaqo la’aanta dhallinteena haysata ay inta badan sababtay iyagoo ka faanaya shaqooyin hoose oo lacag badan leh, dhallinteenu ma jecla inay dhib maraan waxayna rabaan dheef fiican taasna marna suurtogal ma ahan, taariikhdana kuma jiro qof fadhi kudirir lacag ka tabcay.

Lahaw fiiro dheer oo aad daaha kaga qaadid aragti ganacsi oo cusub iyo fursado mirodhal noqon kara, ogow ganacsi kasta oo weyn oo lacag badan laga tabcay maalin ayuu ahaa qorshe ganacsi oo warqad kaliya ku qoran haddaba adiga ayaa ah antarabnoorkii bilaabi lahaa shirkadiisa gaar ah, mana jiro qof shirkad kuu asaasaya ama kuu sheegaya fursad ganacsi oo muhiim ah.

Walaal ogow maanta waxaad kujirtaa waqtigii dhallinyaronimada taas oo ah waqtigii aad beeran lahayd mustaqbalkaagii barri, haddii maanta aadan ka faa’iidaysan xooggaaga barri waxaad kunoolaanaysaa dullinnimo iyo baahi badan.

Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay waqti badan, waana hubaa wax inaad ka faa’iidsay Alle ha kaa ajarsiiyo.

Walaalkayow/walaashayeey markaan maqaalkaan qorayay kama aanan fakarayn inaad adi tahay qofka aqrin doonaa laakiin waxaan ka fakarayay inaan wax fiican kuusoo gudbiyo, waliba adoo aan i ogayn waqti badan ayaana dartaa cidla u fadhiyay oo aan hadba buug furayay si aan intii karaankayga ah kuugu faa’iideeyo, waxaan ku jeclahay Alle dartiis.

Adiga oo iga cilmi badan soo ceeb ma ahan inaadan bulshadaada usoo gudbin waxaad taqaanid. Isbeddal dhan walba ah ayuu waddankeennu rabaa adi ayaana bilaabi kara isbaddelkaas.  Wax qor aan ka faa’iidaysanee.

Mahadsanidiin.

sanco

 Qoraagu waa Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco

Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco waa nin dhallinyaro ah oo hadda ku guda jira waxbarashadiisa sare, wuxuu kulliyada dhaqaalaha ka bartaa Jaamacada Puntland State University (PSU), sidoo kale wuxuu sanadkii 2013-ka dhammeystay kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC, isaga oo ka baxay qeybta xisaabta iyo fiisikiska.

Cabdullaahi hadda wuxuu bare ka yahay dugsiga sare ee Imaamu Nawaawi Garoowe.

Mr. Sanco waa Blogger wax ka qora arrimaha la xiriira dhaqaalaha.

Waxaad kala xiriiri kartaa Email: sancosanco119@gmail.com

________________________________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up