Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo caleemosaaray madaxweynaha Jubbaland

Axmed Madoobe oo ka hadlaya munaasibada caleemosaarkiisa. [Isha Sawirka: Twitter]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe ayaa loo caleemosaaray  madaxweynaha Jubbaland maanta oo Sabti ah munaasibad ka dhacday magaalada Kismaayo.

Munaasibada caleemosaarka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin xilal hore soo qabtay oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa kale oo ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa dabayaaqadii bhsihii la soo dhaafay ee Agoosto Axmed Madoobe dib ugu doortay madaxweynaha afarta sanno ee soo socota.

Munaasibada caleemosaarka ayaa labo jeer oo hore baaqatay kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay xanibaad dhanka duulimaadyada ah saartay Kismaayo.

Axmed ayaa maamulka Jubbaland hoggaaminayay tan iyo markii la asaasay sanadkii 2013, isaga oo ku guuleystay labo doorasho oo hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*