Askari katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo niman hubeysan oo aan la garanayn ku dileen Boosaaso

Ciidamada Puntland. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidamada Puntland ayaa niman hubeysan oo aan la garanayn ku dileen magaalada Boosaaso maanta oo Isniin ah, sida ilo-wareed katirsan haayadaha ammaanka uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Askari kale ayaa ku dhaawacmay rasaasta nimanka hubeysan oo aan la garanayn kuwaasoo goobta ka baxsaday, sida ilo-wareedku sheegay.

Askarta la beegsaday ayaa katirsanaa ilaalada madaxtooyada, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray, oo codsaday in magaciisa aan la sheegin.

Weerarka ayaa imaanaya iyada oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu ku suganyahay magaalada Boosaaso.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse haayadaha ammaanka ee ku sugan gobolka ayaa sheegaya in dadka laga shaki qabo ay yihiin maleeshiyooyinka argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo gudaha Puntland horey weeraro uga geystay.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in la xiray dad badan oo laga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin weerarka ka dhanka ahaa askarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*