Askari katirsan ciidanka Puntland oo lagu dilay is rasaasayn ka dhacday gobolka Bari

Ciidan katirsan Puntland oo lugeynaya gobolka Bari. [Xigashada Sawirka: AFP/Getty Images]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidanka Puntland ayaa lagu dilay is rasaasayn ka dhacday deegaanka Ceel Daahir oo katirsan magaalada Carmo ee gobolka Bari, sida ay ku warantay idaacada Radio Daljir.

Is rasaasaynta ayaa timid markii dablay deegaanka ah ay xabad ku fureen gaari waday Qaad kaasoo kusii jeeday magaalo xeebeedka Boosaaso, sida ay ku warantay Daljir.

Askariga dhintay ayaa la dhihi jiray Dhago-weyne waxaana meydkiisa loo qaaday isbitaalka Boosaaso.

Ma ay jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay dowadda haddii dablaydii is rasaasaynta ku lug lahayd la qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*