Askari katirsan ciidamada Puntland oo lagu dilay qarax miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay buuraha Galgala

Askar katirsan ciidamada Puntland oo ku dhex lugeynaya buuraha Galgala. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay qarax dhulka lagu aaso oo ka dhacay buuraha Galgala, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Dhacdada ayaa dhacday galabnimadii Axadda, ilo-wareed katirsan dhanka ammaanka, oo magaciisa codsaday in la qariyo, ayaa u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

“Askariga dhintay waxa uu la lugeynayay saaxiibadiis markii miinada dhulka lagu aaso ay ku qaraxday,” ilo-wareedka magaciisa qariyay ayaa sidaa yiri.

Saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

“Askartii dhaawacu soo gaaray waxa loo qaaday magaalada Boosaaso, mid kamid ah ayaa ku jiray xaalad ba’an.”

Maleeshiyada Al-Shabaab taasoo ka dagaalamaysay buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010 ayaa idaacadeeda Andalus ku sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Qaraxa maanta oo Axad ah ayaa imaanaya iyadoo Puntland madaxweyne cusub u dooratay Siciid Cabdullahi Deni, kaasoo balanqaaday in uu gobolka ka sifeyn doono maleeshiyooyinka argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*