Arday ka socda Boosaaso oo ku guulaystay tartanka Quraan akhriska Puntland

IMG_7519
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo abaalmarin guddoonsiinaya wiilka ku guulaystay tartanka Quraan Akhriska.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Ibraahim Maxamed Maxamuud oo Boosaaso ka socda ayaa ku guulaystay tartanka Quraan akhriska ee gobolada Puntland.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa ka qaybgalay munaasabada lagu soo gabagabaynayay tartanka oo lagu qabtay masjidka al-Hudda oo kuyaala caasimada Puntland, Garoowe.

Mr. Ibraahim oo ku guulaystay tartanka Quraan akhriska ayaa lagu abaalmariyay gaari cusub.

IMG_7576
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo fuuraha gaariga abaalmarinta ah guddoonsiinaya wiilka ku guulaystay tartanka Quraan Akhriska.

 

Tartankan sanadlaha ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay wasaarada diinta iyo awqaafta dowlada Puntland iyo mu’asasada al-Minhaaj oo Puntland kutaala.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*