Aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka oo diiday xoojinta xakamaynta hubka

Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa diiday qorsheyaal lagu sii xoojin lahaa xakamaynta hubka.

Qorshayaashaas waxaa kamid in la hor istaago in hub laga iibiyo dadka kujira liiska qolyaha argagixisada looga shakisan yahay.

Afar qorshe ayaa la hor keenay aqalka Senate-ka kaddib markii 49 ruux lagu dilay weerar ka dhacay baar ku yaala magaalada Orland ee gobolkaFlorida. Laakiin xubnaha aqalka ayaa u kala codeeyay sidii ay qorsheyaashaas u kala wateen xisbiyada ay ka kala tirsanyihiin ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Xildhibaanada ayaana qolo kasta ka soo horjeedsadeen qorshihii uu watay xisbiga kale.

Xubnuhu waxay aad isugu khilaafeen sidii looga hor tagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan mustaqbalka.

Iibsashada hubka fudud ayaa sharci ka ah dalka Maraykanka, Madaxweyne Obama oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa marar badan damcay in Maraykanka laga joojiyo iibka hubka, balse waxaa diidmo qayaxan kala horyimid xisbiga uu tartanka kala dhaxeeyo ee Jamhuuriga oo gabi ahaanba kasoo horjeestay qorshaha Barrack Obama iyo xisbigiisa.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*