Amnesty International oo sheegtay in wariyeyaasha Soomaaliya aysan bartilmaameedsan Al-Shabaab oo keliya, balse ciidanka dowladda

Wariyeyaasha Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wariyeyaasha Soomaaliya keliya ma bartilmaameedsato ururka argagixisada Al-Shabaab, balse sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya, haayada Amnesty International ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay sii deysay maanta oo Khamiis ah.

Xoriyada hadalka iyo fikir dhiibashada ayaa xumaatay tan iyo markii uu xafiiska qabtay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017, iyadoo ay dhaceen dilal badan oo wariyeyaasha loo geystay, xariga iyo weeraro, Amnesty International ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Waxaanu ku noolnahay cabsi joogto ah”.

Soomaaliya oo muddo sannooyin ah ku jirtay colaado iyo burbur ayaa meel sare kaga jirta wadamada aan la maxkamadayn kuwa dilka u geysta wariyeyaasha, sida lagu sheegay liiska ururka difaaca warbaahinta caalamka ee CPJ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*