Ammaanka Puntland oo la adkeeyay, walaac laga muujiyay hanaanka amni sugida

Ciidan katirsan ciidamada milatariga Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa adkeeyay ammaanka dalka oo dhan inta lagu guda jiiro Ciidul Fitr.

Ciidamo badan oo hubaysan ayaa la geeyay gudaha magaalooyinka waa-weyn ee Puntland si ay uga hortagaan wax walba oo lid ku ah ammaanka, sida ay sheegeen masuuliyiinta haayadaha amniga.

Walaac laga muujiyay hanaanka ammaan sugida

Khuburada ayaa walaac ka muujisay qaabka ay amniga u sugayaan ciidamada lagu yaacshay waddooyinka kuyaala magaalooyinka waa-weyn.

Xuseen Xaaji Yuusuf waa khabiir arrimaha deegaanka iyo bulshada ah oo fadhigiisu yahay Garoowe waxa uu warsidaha Puntland Mirror u sheegay walaac uu ka qabo qaabka ay ciidamadu u sugayaan amniga.

“Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sugaayey amniga dhammaan magaalooyinka waa-weyn ee Puntland intii lagu guda jirey xilligii Ciidda iyagoo wata gaadiidka gaashaman. In kastoo ciidanku howlgalo aad u wanaagsan sameeyeen waxaa hadana jira arimo aan ku fiicnayn magaalooyinka nabadda ah sida xabado si qeyru sharci ah loo ridaayo iyo hoonka naxdinta iyo dagaalka ee baabuurta tignikada oo si xad dhaaf ah loo yeerinaayo taas oo dadka gelisey sas sidii uu dagaal jiro oo kale. Mar marka qaarkood waxaad arkaysaa hoon dagaalkaas oo wadada lagu banaysanaayo iyo xabado loo ridaayo si saxmadda looga dhex baxo taas oo dad badan cabsi gelisey,” ayuu yiri Xuseen Xaaji.

“Markaad fiiriso dhalinta baabuurtaas wada iyo kuwa saaran aad bay ugu faraxsanyihiin hoonka iyo xabadaha ay ridayaan iyagoo u arka in ay Ciidda u dabaal degayaan. Hubka tignikada ah oo aduunka ka madnuuc ah in magaalooyinka lagu dhex ka xaysto ama lagu arko ayaa Puntland iyo Somaaliya caadi ka ah waxaadna marar badan arkaysaa iyagoo aan wax shaqo ah hayn oo loo wato sidii baabuur xarago ah, dhalinta wadatana waa kuwo ku barbaaray dowlad la’aan intii dowladda Puntland jirteyna lama barin dishibiliinka hubka. Hubku waa cowro, hubka waa sir ciidan, hubku waa khatar waana inuu ku xafidanyahay xeryaha ciidamada oo keliya waxaa keliya oo laga soo saari karaa markii howlgal ka baxsan magaalooyinka uu jiro, tigniko looguma talo  gelin in magaalooyin lagu ilaaliyo.” Ayuu ku daray.

Xuseen Xaaj Yuusuf oo sidoo kale kamid ah qurbajoogta Puntland ayaa sheegay in dalal badan oo caalamka kuyaala oo uu maray uusan weligii ku arag hub tiknigo ah oo lagu dhex wato gudaha magaalooyinka waa-weyn.

“Inka badan 60 dal ayaan maray weligayna ma arag meel aan Soomaaliya ahayn hub lagu dhex wato ama tigniko wax lagu waardiyeynaayo bal qiyaas hadii hadda dagaal ku qabsado magalada dhexdeeda xagee tignikada lagu ridaayaa meel walba dad iyo gaadiid baa qulqulaayo, dhalinteenu tababar asluubeed iyo sida hubka loo xafido ayey u baahanyihiin waana masuuliyad saaran saraakiisha ciidamada, dadka Puntland ku dhinta 80% xabad iyo baabuur rogmaday baa dila labaduna waa wax xal loo heli karo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*