Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyadoo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha

Inta badan wadooyinka Muqdisho ayaa la xiray,  [Sawirka: Facebook]
Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa la xiray, [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayadaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa adkeeyay xaalada ammaan ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyada oo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha, taasoo ka dhacaysa gudaha Muqdisho 8-bishaan Febaraayo.

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa la xiray, ganacsiga ayaa la codsaday in la xiro, halka iskuulada iyo jaamaacaduhu ay ardayda fasaxeen labo maalmood.

275-ta xidhibaan ee aqalka hoose iyo 54-ta aqalka sare ayaa dooran doona madaxweynaha xiga ee dalka.

Madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kamid ah 22 musharax kuwaasoo u tartamaya madaxweynenimo.

Inta lagu guda jiro wareega kowaad ee doorashada, musharuxu waxaa uu u baahanyahay sadeex meelood  labo meel si uu u noqdo madaxweyne, wareega labaad waxa uu lamidyahay kan kowaad. Wareega saddexaad guushu waxa ay aadaysa musharaxa ugu codka badan.

Doorashada ayaa ka bixi doonta taleefishinada maxaliga ah ee Soomaalida iyo sidoo kale warbaahinta bulshada sida You Tube-ka iyo Facebook-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*