Ammaanka Garoowe oo la adkeynayo iyadoo uu soo wajahanyahay shirka maalgashiga

Magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ammaanka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa la adkeeyay iyadoo uu dhowyahay shirka maalgashiga.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta, taliyaha ciidanka booliiska iyo wasiirka amniga Puntland oo saakay oo Arbaco ah la hadlayay ciidamo isku dhaf ah oo ka qeybgalaya howlgalka amniga ayaa sheegay in ujeedku yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimada.

“Ciidankan waxa weeye ciidanka tayaynta caasimada Puntland, waa ciidan laga soo xulay xulalka ciidamada loo arkay in ay yihiin ciidanka ugu haboonaa iyaga iyo saraakiishoodu, waxaan ka rajaynaynaa in ay gudan doonaan waajibaadka loo xushay,” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan.

Shirka maalgashiga Puntland ayaa qorshuhu yahay in asbuuca soo socda uu ka furmo Garoowe, waxaana la filayaa in ay ka qaybgali doonaan, maalgashadayaal iyo ganacsato ka socda dalka iyo dibada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*