AMISOM oo sheegay in ay fureen baaris ku saabsan dilkii Almas Elman

Marxuumad Almas Elman. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa bayaan ay soo saareen Jimcadii ku sheegay in ay fureen baaris ku saabsan dilka looga shaki qabo gabadha Somali-Canadian-ka ahayd taasoo u dhimatay rasaas ku haleeshay meel u dhow xarunta saldhiga Xalane Arbacadii.

Bayaanka ayaa AMISOM ku sheegeen in ay bilaabeen baaris hordhac ah oo ku saabsan dilka qalbiga jabka iyo nasiib xumada ah ee Almas Elman Axmed Cali.

“Inta aan la gaarin warbixinta ugu dambeysa, baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in rasaas ay ku dhacday Almas, khaas ahaan ma jirto xabad la sheegay in ay ka dhacday saldhiga gudihiisa marka shilku uu dhacay.” Ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

“AMISOM waxay si wadajir ah u la shaqeyn doontaa dowladda federaalka Soomaaliya, ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo haayadaha kale si buuxda baaritaan loogu sameeyo dhacdada, iyadoo natiijada baaritaanka la shaacin doono.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Almas ayaa ahayd gabar uu dhalay Elman Axmed Cali oo ahaa nin ka shaqeeya nabada markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaana Muqdisho ku dishay dablay aan la garanayn sanadkii 1996.

Waxay kamid ahayd saddex gabdhood oo uu ka tagay oo ay kamidtahay Ilwad Elman oo sanadkan ku jirta dadka lagu soo daray liiska abaalmarinta Nopel Peace Prize.

Almas ayaa haysatay dhalashada Canada halkaas oo iyada iyo qoyskeedu ay qaxootinimo ku galeen xilliyadii 90-meeyadii.

Waxay soo noqotay xoghayaha safaarada Soomaaliya ee Kenya balse hadda waxay la taliye u ahayd howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidoo kale waxay xubin firfircoon ka ahayd haayada Elman oo qoyskeedu ay sameeyeen iyagoo ugu magacdaray aabahood, haayada oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ka shaqeysa xuquuqda haweenka iyo wacyigelinta caruurta la askareeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*