Al-Shabab oo weerar ku dishay hoggaamiye xarun diimeed oo kutaala koonfurta Gaalkacyo

Hoggaamiyaha la dilay Cabdiweli Shiikh Cali. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Niman hubeysan oo katirsan Al-Shabaab iyo qof isku soo miidaamiyay gaari qarax ah ayaa weeraray xarun diimeed kutaala koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxayna halkaas ku dileen hoggaamiye diimeedkii xaruntaas iyo sagaal qof oo xertiisa kamid ahaa, sida ay wararku sheegeen.

Hoggaamiyaha xarunta ayaa magaciisa la oran jiray Cabdiweli Shiikh Cali.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa caruur da’ yar ah iyo haween kuwaasoo ku noolaa xarunta.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay iyagu masuul ka yihiin weerarkaas ka dhacay halkaas maanta oo Isniin ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

“Gaari qaraxa ayaa ku qarxay gudaha xarunta oo uu lahaa nin aflagaadeeyay nabiga. Dagaalyahanadayada ayaa hadda ka dagaalamaya gudaha xarunta,” afhayeenka Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Dadka ku sugan gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xarunta u beegsatay sababtoo ah halkaas ayaa xarun u ahayd dhalinyaro kuwaasoo ciyaara muusik iyo qoob ka ciyaar.

Al-Shabaab ayaa sanadkii hore Cabdiweli ku eedaysay in uu sheegtay nabinimo, balse isagu eedaas waa uu beeniyay.

Tirada khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa laga yaabaa in ay kororto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*