Al-Shabaab oo weerar ku qaaday magaalada Afgooye oo ku dhow Muqdisho, ugu yaraan shan qof oo lagu dilay

militans-vehicles
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday afgooye, oo ah magaalo beereed dhanka waqooyi-galbeed 30km uga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, dadka deegaanka ayaa sheegay.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarka ayaa ku bilaabmay kadib markii qof isbiimeeyay uu gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ku qarxiyay xarun booliis, kadibna dagaalyahanada ayaa weerar ku qaaday goobta.

Ugu yaraan shan askari oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ah ayaa ku dhimatay weerarka, sida ay tilmaamayaan wararka hordhaca ah.

Dagaal culus oo u dhaxeeya dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay taageerayaan xoogaga AMISOM ayaa ka dhacaya qaybo kala duwan oo magaalada ah, sida ay sheegayaan goobjoogayaasha.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta Soomaaliya, balse maleeshiyada ayaa ka wada daafaha dalka weerarada dhimashada leh oo ku dhufoo ka dhaqaaqa ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*