Al-Shabaab oo weerar isbiimayn ah ku dishay ugu yaraan 15 qof xarunta Amisom ee Muqdisho

qarax
Xarunta Xalane ee Amisom oo qaraxa ka dhacay. Sawirka: BBC Somali.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan ciidamo ilaalo ah oo katirsan Amisom iyo Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay kadib markii labo gaari oo qarax ah ay ka dhaceen meel u dhow xarunta Amisom ee Xalane oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaasha iyo saraakiisha.

Kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

“Mujaahidiintayadu waxay bartilmaameedsadeen Xalane taasoo xarun u ah ciidamada shisheeye ee dalkayaga Muslimka ah jooga. Waxaanu dilnay tobonaan iyaga ah,” afhayeenka howlgalada al-Shabaab, Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa sidaa u sheegay taleefishinka al-Jazeera.

Dhanka kale, afhayeenka dowlada hoose ee Muqdisho, Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ahaa xarunta Amisom, wuxuuna intaas ku daray in tobonaan ilaalo ah ay ku dhinteen weerarkaas.

Xalane ayaa waxa ay xarun u tahay safaarado badan, Amisom iyo Qaramada Midoobay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*