Al-Shabaab oo ugu yaraan lix qof ku dishay weerar ka dhacay Kenya

alshabab
Maleeshiyada Al-Shabaab.

Mandhera-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lix qof ku dishay weerar ka dhacay waqooyiga-bari ee dalka Kenya maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay guddoomiye gobol.

Gobolka Mandhera oo xad la leh dalka Soomaaliya ayaa mar walba waxaa bartilmaameedsada Al-Shabaab, taasoo sheegtay in ay sii wadayso ololeheeda dagaalka ee gudaha Kenya ilaa dowlada Kenya ay kala baxdo ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya oo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

“Waxaa nagu dhacay weerar kale oo naxdin leh,” guddoomiyaha gobolka Mandhera, Cali Roba ayaa sidaa ku qoray Twitter, isaga oo sheegay in lix qof la cadeeyay in la dilay.

“Haddii aysan jawaab deg deg ah ka bixin ciidamadayada amaanka, waxaa dhicii lahaa khasaaraha hadda dhacay mid ka badan,” Cali Roba ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay wakaalada wararka Reuters.

Wargeyska Kenya kasoo baxa ee Daily Nation ayaa website-kiisa ku sheegay in weerarka uu ka dhacay meel adeega guud lagu bixiyo subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah.

“Anagaa ka dambayna weerarka ka dhacay Mandheera, kaasoo aanu ku dilnay lix qof oo masiixi ah,” Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab, oo ah afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab, ayaa sidaa Reuters u sheegay, isagoo intaas ku daray in ay sidoo kale gaari booliis la beegsadeen miinada dhulka lagu aaso.

Weerarada soo noqnoqda ee gudaha Kenya ay Al-Shabaab ka wado ayaa lagu dilay boqolaal qof intii lagu guda jiray saddexdii sanoo ee dambaysay waxayna burburiyeen shirkadihii dalxiiska ee u muhiimka u ahaa dalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*