Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaari ay ka qabsadeen Kenya

Gaariga ay maleeshiyada sheegtay in ay ka qabsadeen Kenya.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa shalay oo Axad ahayd kusoo bandhigtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, gaari Land cruiser ah oo ay ka qabsadeen Kenya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay maydka labo askari oo kamid ah ciidamada Kenya, kuwaasoo la waayay kadib markii ay maleeshiyada weerar ku qaaday asbuucii hore xarunta booliiska ee Hamey ee magaalada Garissa, ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo dhimasho leh oo lidi ku ah Kenya qaaday tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*