Al-Shabaab oo sheegtay in ciidamo katirsan DFS ay isku-soo dhiibeen

Al-Shabaab oo sheegtay in 60 askari oo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ay isku-soo dhiibeen.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab ayaa kusoo bandhigtay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud niman ay ku sheegtay ciidamo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan oo isku-soo dhiibay kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal Al-Shabaab ah.

Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in ciidamo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ay isku-soo dhiibeen kooxda.

Xasan Yaxquub Cali ayaa xusay in ciidamada ay tiradoodu tahay 60 askari.

Wali saraakiisha dowlada federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowlada federaalka Soomaaliya, ayna dalka Soomaaliya uga samayn lahayd dowlad Islaami ah oo iyadu maamusho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*