Al-Shabaab oo sheegay in ay ku dileen 27 askari weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku dhow Kismaayo

Al-Shabaab oo sheegay in ay ku dileen 27 askari weerar ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku dhow Kismaayo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaalyaano katirsan ururka Al-Shabaab ayaa weeraray saldhig ciidan oo kuyaala koonfurta Soomaaliya, waxayna dileen 27 dagaalyahan, sida ay sheegeen Al-Shabaab maanta oo Isniin ah.

Weerarka ayaa daba socda weerarkii bishii June ee saldhiga ay Al-Shabaab ku qaadeen kaasoo ay ku dhaawacmeen todobo askari.

Ma jirto wax hadal ah oo dhaqso uga soo baxay masuuliyiinta dowladda oo ku saabsan weerarka saldhiga Baar Sanguuni, oo qiyaastii 50 kiilomitir masaafo dhan u jira magaalo xeebeedka Kismaayo.

“Marka hore waxaan ku weerarnay qarax gaari kadibna waanu qabsanay,” Cabdicasiis Abu Muscab, oo ah afhayeenka howlgalada ciidamada ee Al-Shabaab, ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

“Waxaanu dilnay 27 askari waana qabsanay saldhiga. Qaar katirsan askarta ayaa u baxsaday keymaha,” ayuu ku sii daray.

Ciidamo milatari ah ayaa xoojin ahaan loogu diray saldhiga kadib weerarka, sargaal ayaa sidaa sheegay.

“Waxaanu u dirnay xoojin saldhiga,” Maxamuud Aadan, oo ah sargaal katirsan ciidamada milatariga Soomaaliya kuna sugan magaalada Kismaayo, ayaa sidaa u sheegay Reuters.

“Waxaanu ognahay in uu jiray qarax iyo dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab, kuwaasoo saldhiga weeraray, iyo ciidamada Soomaaliya. Ma heyno faahfaahin ilaa iyo hadda.”

Dadka deegaanka ee magaalada Jamaame, oo qiyaas ahaan 70 kiilomitir u jirta Kismaayo, ayaa sheegay in ay maqleen qaraxa, oo ay ku xigay rasaasta qoryaha.

“Waxaanu maqalnay qarax weyn kadib salaadii subax kadib. Kadibna waxaa ku xigtay is-weydaarsiga rasaas culus. Waxayna ahayd dhanka Baar Sanguuni,” Cumaan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaa u sheegay Reuters.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*