Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilka sargaal katirsan ciidanka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Magaalada Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada dowladda Puntland ayaa fiidnimadii Jimcaha lagu dilay magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Sargaalka la dilay oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Ducaale, waxaana toogtay niman baastoolado ku hubeysan, kuwaasoo baxsaday kadib dilka.

Kooxda argagixsada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas ka dhanka ahaa sargaalka Puntland, sida ay ku warameen warbaahinta Al-Shabaab.

Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro ka dhan ah masuuliyiinta iyo ciidamada Puntland iyo sidoo kale dadka shacabk ah sida ganacsatada, waxaana dhammaan masuuliyada weeraradaas sheegtay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa toabankii sanno ee la soo dhaafay Buuraha Caalmadow kula dagaalamayay maleeshiyada Al-Shabaab oo kacdoonkeeda gobolka bilowday sanadkii 2010, waxaana 2015 ka go’day koox uu hoggaaminayo Cabdulqaadir Muumin oo sheegtay in ay daacad u tahay urur weynaha ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*