Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilka madaxii nabadsugida gobolka Shabeelada Dhexe

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada sarkaal sare oo dhanka amaanka ah oo lagu dilay xalay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Cabdiweli Ibraahim ayaa ahaa madaxii nabadsugida ee haayada sirdoonka qaranka (NISA) u qaabilsanaa gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana toogtay mid kamid ah ilaaladiisii, sida ay sheegeen ciidamada booliska.

Sida ay ku sheegtay bayaan laga sii daayay idaacada Anadalus oo ay al-Shabaab leedahay maleeshiyada ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas in ay iyagu ka dambeeyaan.

Dhanka kale, sida ay qortay warbaahinta dowlada Soomaaliya ciidamada amaanka ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilka geystay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*