Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilka agaasimihii madaxtooyada Boosaaso

The killing of Adan Gas is among a series of high-profile killing in Puntland regions in recent years, claimed by the Al-Shabab. [Photo Credit: Al Jazeera]
Dilka Aadan Gaas Huruuse ayaa kamid ah dilal is-xig xiga oo masuuliyiin sare loogu geystay gudaha Puntland intii lagu guda jirey sanadadii u dambeeyay. [Xuquuqda Sawirka: Al Jazeera]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkii agaasimaha madaxtooyada Boosaaso ee Puntland.

Aadan Gaas Huruuse ayaa xalay oo Talaado ahayd lagu dilay irida hore ee huteel Huruuse ee magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaasha ahaa.

Afhayeenka howlgalada milatariga u qaabilsan kooxda Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ay iyagu dileen sargaalka.

“Caawa waxaanu dilnay agaasimaha madaxtooyada Boosaaso.” Sidaa ayuu Abu Muscab u sheegay Reuters.

Aadan Gaas oo ku jirey da’da, 60-ka, ayaa agaasime ka ahaa madaxtooyada Puntland ee Boosaaso tan iyo 2002-dii.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii agaasimaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*