Al-Shabaab oo labo nin oo ay ku eedaysay isku-tag galmo iyo nin kale oo ay jaajuusnimo ku eedaysay ku toogatay gobolka Jubbada Dhexe

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Ururka hubaysan ee Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa toogasho ku fuliyay labo nin iyo wiil dhowr iyo toban jir ah gudaha magaalada Buu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, iyaga oo sheegay nin kamid ah nimanka iyo wiilka dhowr iyo toban jirka ah in ay sameeyeen isku-tag galmo, halka ninka kale ay ku eedeeyeen in uu ahaa jaajuus, sida ay ku warantay idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab oo soo xigatay sargaal Al-Shabaab ah.

Boqolaal qof ayaa isugu yimid meesha si ay u daawadaan toogashada, sargaal katirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo niman ay ku eedeeyeen isku-tag jinsi ay dilaan, balse ma uusan sheegin marka kowaad goorta iyo halka ay ka sameeyeen.

Sargaalka ayaa sheegay in Isaaq Abshirow oo 20-sanno jir ah iyo Cabdirisaaq Shiikh Cali oo 15-jir ah ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku heleen isu-tag jinsi.

Siciid Maxamed Cali ayay Al-Shabaab sheegeen in isagana lagu helay in uu jaajuus u ahaa ciidamada Itoobiya kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Isku-taga dadka isku jinsiga ah ayaa mamnuuc ka ah inta badan 54-ta dowladdood ee qaarada Afrika waxaana lagu ciqaabaa xabsi.

Ururka ku xiran urur weynaha Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dagaal ugu jira sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen doowladda uu caalamku taageersanyahay ee Soomaaliya, maleeshiyada oo xilli haysan jirtay caasimada dalka ee Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa intii badnayd laga xoreeyay degaanadii ay maamuli jireen.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*