Al-Shabaab oo dishay askari Kenyaati ah oo maxbuus ah

Askariga maxbuuska ah ee la dilay Leonard Maingi Kiiyo. [Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sii daysay muuqaal muujinaya dilka maxbuus askari Kenyaati ah oo ay dileen kadib wax ay ugu yeereen isku day si ay u saameyso doorashada madaxtinimada Kenya oo maalinta Talaadada ah dhici doonta.

Mareegta The SITE Intelligence Group, taasoo kormeerta ururada xagjiriinta ah, ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay Sabtidii sii daysay muuqaalka muujinaya dilka askariga Kenyaatiga ah oo la oran jiray Leonard Maingi Kiiyo.

Kiiyo ayaa waxaa qabatay Al-Shabaab bishii Janaayo ee sanadkii 2016 kadib markii maleeshiyadu ay weerar ku qaadeen xero milatari oo ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, weerarkaas oo ay ku dileen ilaa 150 katirsan ciidamada Kenya.

Intii aysan dilin kahor, muuqaalka dhexdiisa, askariga maxbuuska ah ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dowladdiisa ku eedeeyay in ay sabab u yihiin dilkiisa.

Al-Shabaab ayaa weeraro joogto ah ku qaada gudaha Soomaaliya, oo ay kamidyihiin kuwo dhacay asbuuyadii dhawaa ee lasoo dhaafay. Maleeshiyada ayaa weeraradeeda ugu yeerta aargoosasho ku saabsan ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*