Al-Shabaab oo dadka kunool deegaanada ay maamulaan ku khasbaya in ay bixiyaan lacag ama xoolo nool

Al-Shabaab oo dadka kunool deegaanada ay maamulaan ku khasbaya in ay bixiyaan lacag ama xoolo nool. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dadka kunool deegaanada ay maamulaan ku khasbaya in ay bixiyaan lacag ama xoolo nool, sida lo’, ari iyo geel inta lagu guda jiro bisha Muxaram, oo ah bisha kowaad ee sanadka Muslimiinta.

Ku dhawaad 700 qof oo isugu jira rag iyo haween, kuwaasoo loo arkay in ay diidanyihiin amarka maleeshiyada ee ku saabsan in ay bixiyaan lacag ama xoolo, ayaa lagu xiray degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe intii lagu guda jiray asbuucyadii ugu horeysay ee bishaan Muxaram, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA, oo soo xiganaysa dadka deegaanka.

“Dad gaaraya 700 qof, rag iyo haween oo ay kamidyihiin qoyskayga iyo qaraabadayda ayaa lagu xiray degmada Jilib bishaan kadib markii ay su’aal ka keeneen lacagta iyo xoolaha ay Al-Shabaab ku soo rogtay dadka deegaanka. Waxaan maqlay in dhammaan dadkii la sii daayay maxaa yeelay waxay aqbaleen in ay bixiyaan,”sidaa waxaa SONNA u sheegay qof magaciisa qariyay.

Dadka ku dhaqan deegaanada koonfurta Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay aad uga soo horjeestay lacagaha iyo xoolaha nool ee Al-Shabaab ay ku soo rogto iyaga, taasoo keentay gacan ka hadal dhexmaray maleeshiyada iyo dadka shacabka ah.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, dad xoolo dhaqato ah oo kunool gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa dagaal la galay Al-Shabaab, kaasoo keenay khasaare.

Uruurinta xoolaha nool oo ay Al-Shabaab dadka uga uruuriso Sako ahaan ayaa kamid ah ilo-dhaqaaleedka maleeshiayada.

Al-Shabaab ayaa lacag lagu qiyaasay $8 milyan ka hesha sanad kasta xoolaha nool ee ay ka uruuriso gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin uu machadka cilmibaarista Amniga ee Hiraal uu daabacay bishii July ee sanadkan 2018-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*