Agaasimihii warbaahinta dowladda Puntland oo shaqada laga ceyrshay

Sumada warbaahinta dowladda Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Agaasimihii warbaahinta dowladda ayaa shaqada laga ceyrshay, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Puntland goor dambe oo habeenimo ah.

Daahir Cabduqaadir Axmed ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay agaasimaha Tv-ga iyo raadiyaha dowladda Puntland, digreetada ayaa intaas ku dartay.

Jamaal Carab Yuusuf ayaa xilka hayay saddexdii sanno ee u dambeysay, waxaana magacaabay madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali.

TV-ga iyo Raadiyaha dowlada Puntland ayaa la asaasay dabayaaqadii sanadkii 2013, waxaana maalgelisay dowladda Talyaaniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*