Agaasimihii hore ee haayada macdanta iyo batroolka Puntland Ciise Dholowaa oo xilka ku wareejiyay agaasime cusub oo dhawaan Gaas soo magacaabay

Agaasimihii hore ee haayada macdanta iyo batroolka Puntland, Ciise Maxamuud Dholowaa. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Agaasimihii hore ee haayada macdanta iyo batroolka Puntland, Ciise Maxamuud Dholowaa. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Agaasimihii hore ee haayada macdanta iyo batroolka Puntland ayaa maanta xilka ku wareejiyay agaasime cusub oo dhawaan madaxweynuhu soo magacaabay.

Munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso, ayaa agaasimihii hore Ciise Maxamuud Dholowaa shaqada ku wareejiyay agaasimaha cusub Siciid Faarax Yare.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhawaan Siciid Faarax Yare u magacaabay agaasimaga haayada macdanta iyo batroolka Puntland.

Agaasimihii hore, Ciise Dholowaa, ayaa mudadii uu xafiiska joogay Puntland waxa ay isku dayday in ay soo saarto shidaal, balse taasi ma suuroobin, sababtuna waa mid aan la ogeyn ilaa iyo hadda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*