Agaasimaha madaxtooyada DFS oo sheegay in aysan ka qaybgali doonin wadahadalo lala yeelan lahaa Somaliland

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cadeysay in aysan ka qaybgali doonin wadahadalo la sheegay in ay la yeelan lahayd maamulka Somaliland oo la qorsheeyay in ay ka dhacaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twiitter-ka agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi ayuu ku sheegay in aysan jirin wakiilo katirsan Soomaaliya oo shirkaas ka qaybgali doona.

“Wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya kama qaybgali doonaan kulanka la filayo in uu ka dhaco Nairobi. Si kastoo ay ahaataba, waxaanu jecelnahay in aan cadeyno in dowladda ay dhab ka tahay in wadahadal waxtarleh ay la gasho Somaliland marka la helo meel ku habboon. Ajandaha iyo ka qaybgalayaashana la isku raaco.” Ayuu agaasimaha madaxtooyada ku yiri qoraalkiisa.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay haayada Center for Humanitarian Dialogue, waxaana la filayay in ay ka qaybgalaan masuuliyiin ka socda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyo sidoo kale saraakiil ka socota wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay kamidtahay Turkiga.

Labadii sanno ee u dambeeyay, wadahadalada u dhaxeeya  dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku yimid.

Wadahadalo horey u dhexmaray labada dhinac ayaan wax miro dhal ah kasoo bixin.

Somaliland ayaa tan iyo 1991 ku andacoonaysay in ay ka go’day Soomaliya, balse wax aqoonsi ah kama aysan helin caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*