Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo laga yaabo in uu shaqadiisa ku waayo eedaymo musuqmaasuq

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur “Jubba”. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa laga yaabaa in shaqada laga eryo kadib eedo musuqmaasuq, sida ilo-wareedyo ka ag dhow arrinta ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Asbuucyadii u dambeeyay, xiriirka u dhaxeeya Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo haayadaha la shaqeeya ayaa ahaa mid aan fiicneyn gaar ahaan haayada Unicef kadib markii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur oo loo yaqaan Jubba uu si xun u maamulay mashruuc la rabay in lagu diiwaangeliyo caruurta dhalaneysa gudaha Puntland, kaasoo ay maalgelinaysay Unicef.

Sida ilo-wareedyadu ay u xaqiijiyeen Puntland Mirror, mashruuca ayaa istaagay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay kadib markii Unicef ay aragtay musuqmaasuq balaaran oo ka dhex jira mashruuca, waxayna codsatay in baaritaan maaliyadeed lagu sameeyo, iyada oo u soo wakiilatay shirkada Baker Tilly Meralli oo fadhigeedu yahay Kenya.

“Markii ay baaritaanka sameysay shirkadii loo soo wakiishay waxay ogaadeen in dhaqaale badan la waayay meesha ay ku baxeen, taasina waxay keentay in fariin Email ah loo diro Agaasimaha Guud si uu uga jawaabo lacagtaas meesha ay ku baxday,” ilo-wareedka, oo cosaday in magacooda aan la sheegin, ayaa yiri.

“Nasiib daro, Agaasimaha Guud waa uu ka dhago adaygay in uu ka jawaabo dhammaan fariimihii ay u soo dirtay shirkada waday baaritaanka, taasoo keentay in haayada Unicef ay barnaamijka hakad geliso,” ilo-wareedka ayaa ku sii daray.

Haayada Unicef ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland kula talisay in loo magacaabo qof si rasmi ah shaqada u sii wada si mashruucu uu u sii socdo balse taasi ma dhicin weli, sida ilo-wareedku sheegay.

Eeda musuqmaasuqa ayaa gaartay masuuliyiinta sare ee dowladda, iyada oo la filayo in Madaxweynaha Puntland uu dhawaan isku shaandeyn ku sameyn doono agaasimayaasha guud, taasoo la fili karo in Juba uu shaqdiisa ku waayo.

Juba oo muddo sannooyin ah ka shaqeynayay mashruuca JPLG oo ay maalgeliyaan haayadaha UN-ka ayna fuliso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo magacaabay sanadkii 2016kii.

Iyada oo isku diyaarineysa dabaaldega 20-sanno oo dowlad ah, Puntland waxaa soo maray ceebo musuqmaasuq oo aan la tirin karin, ma jirto mas’uul Puntland ka tirsan oo abid loo qabtay eedaynta ah in uu ku fashilmay waajibaadkiisii, mana jirto wax kiis dambiyadeed ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda oo lagu eedeeyay lunsiga lacagta dadweynaha ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*