Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegay in ay sii wadi doonaan weraradooda ka dhanka ah Puntland

Shiikh Cali Dheere
Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab, Shiikh Cali Dheere.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah deegaanada Puntland, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay idaacada wararka barobogaandada u faafisa Al-Shabaab ee Radio Andalus.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii mataano ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay Puntland u beegsanayaan sababtoo ah waxay saaxiib la tahay dowlada Itoobiya.

Dowlada Puntland ayaa dagaalo kula jirtay maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo 2008-dii, maleeshiyada ayaa shirqoolo ku dishay dad badan oo Puntland u dhashay oo ay ku jiraan, culimo, shacab iyo saraakiil dowlada ah.

Tan iyo sanadkii 2013-kii Puntland ayaa toogasho ku fulisay xubno badan oo Al-Shabaab ahaa, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay falal dilal ah ka geysteen gobolada Puntland.

Bilowgii sanadkan 2016-ka maleeshiyaad badan oo Al-Shabaab ahaa ayaa weerar kusoo qaaday xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland, ciidamada difaaca Puntland ayaa weeraradaas Al-Shabaab kusoo afjaray muddo labo asbuuc ah, iyagoo ku dilay howlgalkaas ku dhawaad 250 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, waxayna nolol ku qabteen ku dhawaad 70 kale.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*