Afar nin oo la sheegay in ay katirsanyihiin kooxda Daacish oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

ISIS
Afarta nin oo katirsan Daacish oo lasoo bandhigay. Sawirka: Radio Muqdisho.

Baydhabo-(Puntland Mirror) Ciidamada nabadsugida magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa maanta soo bandhigay afar nin oo ay sheegeen in ay katirsanyihiin ururka Daacish (ISIS) ee ku jira buuraha Galgala Puntland.

Afarta nin oo lasoo bandhigay ayaa lagu sheegay magacyadooda, Cali Maxamed Gaabow oo ah wakiilka Daacish ee gobolka Baay, Mahad Nuux Siidow oo kooxda u qaabilsan samaynta iyo diyaarinta qaraxyada, Cabdicasiis Xasan Mursal oo jabhadaha katirsan iyo Maxamed Shiikh Isaaq oo bumbo tuurka iyo qarxinta miinooyinka u qaabilsan kooxda.

Ciidamada nabadsugida ayaa sheegay in afartan nin la qabtay afar beri kahor iyagoo si dhuumaalaysi ah shirqoolo uga waday magaalada Baydhabo.

Qabashada nimankan la sheegay in ay katirsanyihiin kooxda Daacish (ISIS) ayaa imaanaysa maalin kadib markii Maraykanka liiska argagixisada caalamka ku daray hoggaamiyaha Daacish ee Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin.

Ku dhawaad 50 ilaa 150 dagaalyahan oo uu Cabdiqaadir Muumin hoggaamiye u yahay ayaa la aaminsanyahay in ay ku dhuumanayaan buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*