Afar badmaax oo Iran u dhashay oo laga soo badbaadshay burcadbadeeda Soomaaliya

Wasiirka Sirdoonka Iran Mahmoud Alavi oo soo dhaweeyay afarta badmaax ee Iran u dhashay. [Xigashada Sawirka: IRNA]
Dubai-(Puntland Mirror) Ciidamada sirdoonka Iran ayaa afar badmaax oo Iran u dhashay kasoo badbaadshay burcadbadeeda Soomaaliya, sida uu ku waramay taleefishinka dowladda Iran.

Taleefishinka dowladda Iran ee Press TV ayaa sheegay in afarta badmaax oo magacyadooda la dhaho Masoud Balouchi, Ahmad Balouchi, Adam Balouchi iyo Shir-Mohammad Tabezar laga afduubay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya saddex sanno kahor .

Ciidamada badda Iran ayaa Gacanka Cadan ka waday la dagaalanka burcadbadeeda tan iyo bishii November ee 2008-dii si ay u ilaaliyaan isku socodka badda, gaar ahaan maraakiibta saliida qaad ee Iran laga leeyahay, Press TV ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*