Afar askari oo lala xiriirinayo weerarkii lagu qaaday huteelka Madaxweyne Erdogan oo la xiray

 

saraakiil loo qabtay afgembigii fashilmay
Saraakiisha lagu eedeeyay in ay weerareen huteelka Madaxweynaha markii uu socday isku-daygii afgembiga.

Ankara-(Puntland Mirror) In ka badan afar sarkaal ayaa lagu qabtay koonfurtga-galbeed ee dalka Turkiga, kuwaasoo lala xiriirinayo weerar lagu qaaday huteelka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u joogay markii uu socday isku-daygii afgembiga fashilmay oo dhacay 15-kii July, sida ay sheegeen haayadaha amaanka.

Ilo-wareedyo dhanka haayadaha  amaanka ah oo la hadlay wakaalada wararka  Turkiga ee Anadolu kuwaasoo codsaday in aan la sheegin magacooda ayaa sheegay in la qabtay afar sarkaal oo la dhaho, Zekeriya Kuzu, Omer Faruk Gocmen, Abdulhamit Gulerden iyo Erkan Cikat kuwaasoo lagu eedeeyay in ay kamid ahaayeen askartii weerartay huteelka Erdogan ku sugnaa saacadihii isku-dayga afgembiga ay socdeen.

Erdogan ayaa ku sugnaa markii uu dhacay iksu-dayga afgembiga fashilmay huteel ku yaala magaalada Marmaris oo ku taala xeebta Badda Mediterranean-ka halkaas oo uu fasax la qaadanayay xubno kamid ah qoyskiisa.

Wali waxaa dalka Turkiga ka socda howlgalo lagu qabanayo askartii kale ee ka qaybgashay weerarka lagu qaaday huteelka Madaxweynaha joogay.

Madaxweynaha dalka Turkiga oo dhawaan wareysi siiyay taleefishinka CNN ayaa sheegay haddii uu huteelka sii joogi lahaa muddo 10 ama 15 daqiiqo ah in la dili lahaa ama la kaxaysan lahaa.

Dowlada turkiga ayaa isku-dayga afgembiga fashilmay ku eedaysay wadaadka masaafuriska ku maqan oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, Fethullan Gulen.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*