Afar askari oo booliis ah oo ku dhaawacmay weerar ay maleeshiyo katirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig booliis oo kuyaala Boosaaso

Magaalada Boosaaso. [Sawirka]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay maleeshiyo katirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig booliis oo kuyaala magaalada Boosaaso xalay oo Talaado ahayd, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ammaanka ah.

Ilo-wareed katirsan laamaha ammaanka Puntland oo magaciisa qariyay, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dhowr maleeshiyo ah oo hubeysan ay xalay fiidkii weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee booliiska Boosaaso.

Maleeshiyada ayaa damcay in ay qabsadaan saldhiga balse ciidamadda ayaa iska difaacay, sida uu sheegay ilo-wareedku.

Askartii dhaawacantay ayaa lagu dabiibayaa hadda isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu qaaday saldhiga Boosaaso, sida ay ku warantay idaacadooda Radio Al Andalus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*