Abwaanka ruugcadaaga ah ee Soomaaliyeed Cabdulqaadir Cabdi Shube oo loo magacaabay agaasimaha tiyaatarka qaranka

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Abwaanka ruugcadaaga ah ee Soomaaliyeed Cabdulqaadir Cabdi Shube ayaa loo magacaabay agaasimaha tiyaatarka qaranka, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday wasiirka warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka, iyo dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Abwaan Shube ayaa badali doona agaasime si kumeelgaar ah xilkaas u hayay, digreetada oo soo baxday Jimcadii ayaa intaas ku dartay.

Waxa uu fanka iyo ku biiray sanadkii 1973, waxaana uu kamid noqday fanaaniintii xooga dalka Soomaaliyeed, sida ku xusan buuga Durbaan Garasho oo lagu uruuriyay gabayada iyo maansooyinka abwaan Shube.

Shube ayaa burburkii kadib ku sugnaa gobolada uu ka soo jeedo ee Puntland, halkaas oo uu hoggaamiye ka ahaa kooxda Waaberi oo ay leedahay dowladda Puntland.

Tiyaatarkii qaranka Soomaaliya ee Muqdisho oo burbur weyn uu soo gaaray ayaa weli waxaa socda dib u dhis lagu sameynayo, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*