Abaartii ugu xumayd muddo sannado ah oo Puntland ka jirta, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo

1.5 milyan oo qof oo kunool Puntland ayaa u baahan cuno iyo biyo. [Sawirka: Puntland Mirror]
1.5 milyan oo qof oo kunool Puntland ayaa u baahan cuno iyo biyo. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo sannado ah, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo.

Abaarta ayaa sababtay in ay yaraadaan biyaha iyo cawska, taasoo xoolaha nool ku keentay in ay dhintaan, kaasoo laf dhabarta dhaqaalaha u ah xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Iyadoo ay abaarta wali jirto, dadka reer guuraaga ah ah ayaa ka hayaamaya miyiga iyaga oo u guuray magaalooyinka kadib markii ay xoolihii ka dhinteen.

Gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Karkaar ayaa ah meelaha ugu daran oo ay abaarta jirta saamaysay.

Gobolka Karkaar, ugu yaraan labo qof ayaa u dhimatay gaajo iyo haraad, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo sida caadiga ah la heli jiray Oktoobar ilaa November, ayaa keentay abaarta taasoo la filayo in ay kasii darto bilaha soo socda.

Dowladda Puntland ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka codsatay dadka shacabka ah iyo beesha caalamka in ay cuno iyo biyo ku caawiyaan dadka reer guuraaga ah ee ay saamaysay abaarta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*