Abaarta ka jirta Puntland oo sababtay in xooluhu ay dhintaan

abaar
Neef geel ah oo u dhintay abaarta ka jirta gobolada Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Gobolada Puntland ayaa wajahaya abaartii ugu xumayd muddo 15-sanno guddahood ah, sida ay sheegeen xoolo dhaqatada.

Xoolo dhaqatada ayaa sheegaya in caws iyo biyo la’aanta ay sababtay in xooluhu ay dhintaan.

“Xooluhu waa ay dhimanayaan sidoo kale dadkuna khatar buu ku jiraa maxaa yeelay waxay noo ahaayeen maal aan quudano,” Cusmaan Siciid oo ah xoolo dhaqato ku sugan dooxada Ayax ee gobolka Nugaal ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Xoolo ma iibsan karno, suuq ma ay leh, mana aanu dheefsan karno waayo aad bay u macaluuleen, xaalad adag baanu ku jirnaa,” ayuu ku daray Cusmaan.

Puntland iyo dhammaan dalka oo dhan, haddii xoolaha nool la waayo waxay ka dhigantahay in la waayay dakhli.

Bilowgii bishaan, gudaha gobolka Karkaar, ugu yaraan labo qof ayaa ugu dhimatay haraad iyo gaajo, sida ay sheegeen dadka ka shaqeeya howlaha iinsaanimada.

Gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool iyo Karkaar ayaa ugu daran meelaha ay abaarta jirta saamaysay.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo sida caadiga ah la heli jiray Oktoobar ilaa November, ayaa keentay abaarta taasoo la filayo in ay kasii darto bilaha soo socda.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*